XOG: 80 xildhibaan oo Muqdisho kaga dhowaaqaya is-baheysi siyaasadeed !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinkii xilka qaadista Ra’isul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inay gole isbaheysi siyaasadeed ah kaga dhowaaqaan Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in golahan uu qaadan doono magacii ay xildhibaanadan ku difaaceen ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo ah Golaha Badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada oo la rumeeysan iney u diyaar garoobayaan sidii looga hortegi lahaa siyaasadda kooxda Damu-Jadiid oo xilka ka qaaday ra’iisul wasaare Cabdi Weli, waxay sameysan doonaan gudiyo gaarsiisan heer gudoon sare.

Sida xogta ay, xildhibaanadan oo ku dhow 80 ayaa waxaa xubnaha hoggaamin doono ay jagooyinka u kala qaadanayaan sidan:-

1 – Gudoomiye: Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow Dhegdheer
2 – Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad Xildhibaan Saciid Dheere
3 – Gudoomiye ku xigeenka 2-aad Xildhibaan Cabdirisaq Juriile
4 – Xoghaye guud Xildhibaan Cabdullahi Coonka
5 – Afhayeen Xildhibaan Bishaar Ugaas.

Waxaa sidoo kale xubno ka tirsan golahan ay sheegeen inay rajeynayaan in mustaqbalka ay kusoo biiraan xildhibaanno kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com