28.7 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Aqoon yahaan caan ah oo goor dhow MUQDISHO lagu toogtay (Faah-faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku dilay ku simihii maamulka Jaamacada Simad ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay ku weerareen gaarigiisa xili uu marayay meel ku dhow suuqa bakaaraha.

Ruuxa la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ustaad Ibraahim Maxamuud Xaamud, waxaana la sheegay inay ku weerareen gaari yar iyagoo ku dilay inta u dhaxeysa isgoyska Bakaaraha iyo isgoyska  KPP.

Dilka kadib kooxaha hubeysan ayaa ka baxsaday goobta ay falka ka geysteen, iyadoo markii dambe ciidamada amaanka ay goobta gaareen.

Ibraahin Maxamuud Xaamud, ayaa ku sime u ahaa madaxweyne Jaamacada Simad oo dalka dibadiisa ku maqan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News