Ujeedada Xasan Sheekh uu ula kulmay xildhibaanadii taageersanaa Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kulan wadatashi ah la qaatay Mudanayaashii kasoo horjeeday Mooshinka lagu tuuray Ra’isulwasaarihii ku gacanseeray kalsoonida Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Xildhibaanadaasi kala tashtay Xulista Ra’isulwasaaraha Cusub, waxa ayna sidoo kale kawada hadleen qaabka loola shaqeyn lahaa Xukuumada Cusub oo noqon doonto mid ka duwan Xukuumadihii la soo dhaafay maadama ay Sanad uga harsan tahay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu Xildhibaanada ka codsaday in meesha laga saaro kala aragti duwanaashaha wali ka dhex taagan Xildhibaanada BF Somalia, islamarkaana ay lasoo baxaan wadashaqeyn si Sanadka harsan ay Xukuumada Cusub u hanaqaado.

Xassan ayaa waxa uu sidoo kale Xildhibaanada u balanqaaday inuu qaadan doono taladooda uuna soo magacaabi doono Ra’isulwasaare ay kuwada qanci doonaan Baarlamaanka iyo Shacabkuba.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa waxa uu Garabkii taageersanaa C/weli Sheekh Axmed ku wargaliyay inuu soo hordhigi doono Magaca iyo Muuqaalka Ra’isulwasaaraha Cusub ka hor inta uusan ku dhawaaqin si ay uga talo bixiyaan, waxaana arinkaasi soo dhaweeyay Xildhibaanadii kasoo horjeeday Mooshinka.

Kulankaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmahaani uu Madaxweyne Xassan wado la tashiyo kala duwan si uu usoo dhiso Xukuumad lagu wadaqanco.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com