MUQDISHO oo ay ku soo badanayaan arrimo layaab galiyay bulshada ku nool

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkaani dambe Magaalada muqdisho kusoo badanaayo dhacdooyin layaab galiyay Bulshada Muqdisho, kadib markii la arkay Mootooyinka loo yaqaan Bajaj-ta oo lagu kala iibsanaayo Qamriga iyo Calaqa.

Wadayaasha Mootooyinka ayaa waxa ay qaarkood ka ganacsadaan suuq-geynta Qamriga iyo Calaqa, waxaana la soo warinayaa in Mootooyinkaasi ay u shaqeeyan qaab shaqo, balse ay howshoodu tahay suuq galinta Muqaadaraadkaasi.

Nuur Aadan Cumar oo kamid ah Ragga mootooyinka ku shaqeysto ayaa waxa uu sheegay in magaalada ay kusoo badanayaan dhalinyarada mootooyinka qaab shaqo ugu shaqeysto balse iibiyo Muqaadaraadkaasi.

”Haa walaal waxaa jiro dhalinyaro mootooyinka u ka xeysto inay ku iibiyaan qamriga iyo calaqa, weyjiraan dadbadan oo arrintaasi loo soo qabtay, waxan ka cabsi qabaa inay saameyn nagu yeeshan”

Nuur aadan ayaa waxa uu tilmaamay in Arrintaani ay ku cusubtahay magaalada, waxa uuna DF Somalia ugu baaqay inay isha ku heyso arrimaha noocaani ah.

Dhanka kale, waxaa magaalada kusoo badanaayo Mootooyinka ay leeyihiin ganacsato laga kireysto hase yeeshee aysan kawarqabin howsha lagu qabto Mootooyinkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com