“DF waxay ka talaabtay qodobadii aan kula heshiinay ee maxaa ka hadalnaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Howlaha guud iyo guriyeenta Maamulka Somaliland Saciid Sulub kana mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, ayaa waxa uu sheegay in DF Somalia ay ka talaabtay Qodobadii ay kuwada heshiiyen.

Waxa uu sheegay in Heshiisyadii ay la galeen DF Somalia uu qeyb ka ahaa in labada dhinac ay joojiyaan faragalinta iyo wararka ay warbaahinta isu marinayaan, waxa uuna Tilmaamay in Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya, Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel soo faragaliyay Arrimaha la xiriira Hawada Maamulka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Somaliland ay ka fiirsaneyso in Hawadeeda laga maamulo Magaalada Muqdisho, maadama uu yiri DF Somalia ay burburisay Qodobadii lagu heshiiyay shirkii ka dhacay Ankara.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay wada-hadalada DF Somalia iyo Maamulka Somaliland waxa uuna farta ku goday inaysan muuqan Waji ay ku horfadhiistaan DF Somalia oo iyagu xiligaani hunguriyeyneyso Hawada Somaliland, sida uu hadalka u dhihay.

Wuxuu carabka ku dhuftay in wada-hadaladii hore ay ula galeen DF ay ahaayen Riwaayado aan natiijo laga gaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com