General caan ah oo looga yeeray VILLA Somalia & xog sheegeysa in xilka R/W..

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa sii kordhaya tirada musharixiinta loo saadaalinayo xilka wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida kala laabteen C/welli Sheikh Axmed.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad loo hadal hayaa shaqsiyaad gaar ah oo loo malaynayo inay qaban karaan xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya, kaasi oo xafiiska kala wareegaya ra’iisul wasaarihii kalsoonida ka waayay baarlamaanka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xafiiska madaxtooyada looga yeeray C/qaadir Sheikh Cali Diini oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kaasi oo ku nool dalka Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, uu u yeeray Generaal Diini islamarkaana kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in arrinta loogu yeeray ay la xiriiro xilka ra’iisul wasaaraha, balse lama yaqaan haddii xilkaas loo magacaabi doono iyo in kale.

Mudane Cabdulqadir Sheekh Cali Diini ayaa ku dhashay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud sanadkii 1948 wuxuuna mar soo noqday Taliyihii hore Ciidamada xooga dalka soomaaliya dowladii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com