10 QOF OO KU SUMMOOBAY BIYO

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka laga helaayo xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi ay ku geeriyooden ilaa 8-ruux, halka tiro kalane ay Isbitaal jiifaan kadib markii ay cabeen biyaha sumeysan.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in 100-ruux ay sidoo kale la ildaran yihiin xaalad caafimaad darro oo ka dhalatayay biyaha sumeysan, waxaana dadkaasi la jiifiyay Xarumaha Caafimaadka ee Degmada ku yaala.

Arrintaani ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay Cali Seeko oo ah Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir waxa uuna sheegay in dadka cabay biyaha sumeysan loola cararay goobo caafimaad oo ku yaalo magaalada Muqdisho ka dib markii xaladooda caafimaad ay aad u liidato, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Seeko waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in Maamulka gobolka Banaadir ay ku jiraan baaritaan ku aadan sidii lagu ogaan lahaa waxyaabaha dhaliyay in dad intaa la eg u sumoobaan biyo ay cabeen.

Biyaha ay dadkaani ku sumoowen ayaa ah mid hal ceel laga isticmaalo iyagoo hal tubo u soo mari jirtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com