Video: Dowladda Somalia oo si rasmi ah ula la wareegtay maamulka hawada

Montreal (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay mas´uuliyadda maamulka Hawada Soomaaliya, kadib heshiis ka dhacay magaalada Montreal ee dalka Canada.

Heshiiskaan oo uu saxiixay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Saciid Jaamac Cali `Qoorsheel` ayaa sheegay in howshan ay kula wareegeen maamulka Hawada Soomaaliya sidii ay ula soo wareegi lahaayeen ay aheyd mid meel fog kasoo bilaabatay, isla markaana aaqirkii lagu guuleystay.

Wuxuu sheegay Wasiirka in wixii hadda ka danbeeya maamulka Hawada Soomaaliya Mas´uuliyadeeda ay leedahay, isla markaana aan laga xukumi doonin Nairobi.

Wuxuu sheegay in hadda Dowladda ay ku guda jirto sidii loo dhameystiri lahaa, sidii Muqdisho looga qaban lahaa howsha, isla markaana looga soo rari lahaa, iyadoo lagu guda jiro dhismaha buu yiri Towerkii hagi lahaa diyaaraddaha isticmaala hawada Soomaaliya, qalabkii lagu dhameystiri lahaana uu yaal Talyaaniga.

Wuxuu sheegay in heshiiskaani uu yahay mid taariikhi ah, isla markaana ay rajo ka qabaan in Soomaaliya ay noqon doonto dalka ugu hormarsan hagida diyaaraddaha ee Africa, sida uu dhigayo heshiiskaani.

Wuxuu kaloo sheegay in xuquuqda dadkii Soomaaliyeed iyo dadka kale ee mudada burburka ka shaqeynayay Nairobi in ay xaquuqdooda siin doonaan, maadaama ay mudo soo shaqeynayeen.