29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Mas’uul ka tirsan DF SOOMAALIYA oo aqalkiisa lagala baxay kadib markii ay..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa Habeenimadii xalay hooygiisa ku yaal Degmada waabari ee Gobolka Banaadir lagala baxay Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Dowladda Federaalka Maxamed Cumar Nuur xili uu aqalkiisa ku sugnaa.

Wararka laga helaayo Xubno ka tirsan Wasaarada ayaa sheegaya in Agaasimaha ay la baxeen Ciidamo ku labisnaa dareeska Dowlada kuwaasi oo aan ilaa iyo hada la garaneynin halka ay la aaden Agaasimaha.

Sidoo kale, Xubno ka tirsan Wasaarada ayaa sheegay inay baadi goobayan halka lala aaday Agaasime Maxamed Cumar Nuur waxa ayna Tilmaamen inaysan jir wax war ah oo ay ka hayaan Ujeedka arrinkaasi la xiriirta.

Lama Oga sababta ka dambeysay in Maxamed Cumar Nuur lagala baxo aqalkiisa xili ay dadka badankiisu ahaayen kuwa hurdaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News