26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Dhacdo xanuun badan oo ka dhacday Muqdisho kaddib markii HOOYO ay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ku gowracday Gabar ay iyada dhashay oo xaamilo aheyd.

Hooyadaani Soomaaliyeed ayaa waxa ay Gabadheeda ku dishay Xaafada Jamuuriya ee Degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxa uuna dilka gabadhaasi ka dambeeyay kadib markii Gabadhaasi ay dib u guurstay nin ay hore ay u kala tageen.

Sidoo kale, Hooyadaani ayaa waxa ay dilka gabadheeda u adeegsatay Mindi, Maqar iyo Ceeji, waxaana xusid mudan in dilka gabadhaasi ay ka qeybqaadatay Haweeney saaxiib dhow la aheyd Hooyada Gabadha la gowracay dhashay.

Meydka Gabadhaasi ayaa waxaa iminka la dhigay Isbitaalka keysaney si baaritaano loogu sameeyo sababta ka dambeysay dilka Gabadhaasi.

Dhanka kale, Ciidamada Booliska Degmada Kaaraan oo goobta gaaray ayaa xiray Hooyadii falkaasi ku kacday, iyagoona hada Su’aalo weydiinaya sida ay warbaahinta u sheegtay Maryan Cali oo Darsi la ah Gabadha la dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News