Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland GAAS ayaa safar aan horay loo shaacin si dagdag ah ku gaaray magaalada Addis Ababa. Ujeeda safarkaan ayaa xog dheerad ah laga heyn inkastoo GAAS ku sheegay in safarkiisa la xiriir iskaashiga ganacsi ee ka dhaxeeyay Puntland iyo Ethiopia iyo adkeenta amniga.
Safarkaan maaha kii ugu horeeyay ee GAAS ku tago ADDIS ABABA, hase ahaate wuxuu dhamaan safaradii hore uga duwan yahay sida loo asturay sirna looga dhigay xaqiiqda dhabta ah ee ujeedada safarka. Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xafiiska madaxweyne GAAS oo codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa xaqiijiyay in mudane GAAS uu ADDIS ABABA kula kulmi doono Brian Hanson oo ah madaxa shirkada ION Geophysical Coperation oo ah shirkad sahmisa shidaalka ceegaago badaha. Labada masuul ayaa halkaa ku kala saxiixan doono heshiis u gogol xaarayo in shirkada shati loo siiyo inay baaritaan (seismic/sahmin) ka sameyso badaha Puntland.
Waxaa dowlada Puntland hormarin ahaan loo siin doona aduun dhan 1,000,000 USD oo ah xaq al-qalam (ama lacagta hormarinta saxiixa). Waxaa sidoo kale jiri doono lacag la bixin doono marka howshu bilaabmato iyo lacag la bixin doono marka sahmintu dhamaato. Shirkadaan ayaa waxeey GAAS u balan qaaday in garab istaagi doonto doorashada madaxnimada Somalia 2016. Si aad macluumaad dheeri ah u ogaato booqo mareeg shirkada: www.iongeo.com
Waxaa xusid mudan in heshiiskaan lagu soo aadiyey xili lagu jiro xulashada wasiirka koowaad ee dowlada federalka. Horaantii sanadkii 2013 ayaa dowlada federalka heshiis noocaan ah la gashay shirkada SOMA OIL & GAS oo soo gabagabeysay sahmintii laga waday qeybo kamid ah badaha Somalia. Wasiirkii hore ee macdanta iyo shidaalka Somalia Mudane Daa’uud Bisinle ayaa si cad ugu digay shirkadaha aan lasoo xiriirin wasaaradiisa in tallaabo laga qaadi doono arintaan waxay abuurtay buuq badan inkastoo Puntland ka biya diiday amarada wasiirka misana GAAS wuxuu ku qasbanaaday inuu si dhuumasho iyo sir ah u aado ADDIS ABABA kana been sheego ujeedada safarkiisa. Fadlan link hoose ka daalaco war-murtiyeedkii la xiiraray safarka GAAS intuusan Garowe ka dhoofin: https://www.youtube.com/watch?v=W0RxwHdRSN4
Madax wakaalada tamarta iyo shidaalka ee Puntland Dr. Isse Dholawa oo haatan ku sugan ADDIS ABABA ayaa wuxuu caadeystay in dhamaan howlaha la xiriiro wakaaladiis inuusan wax xog ka siin Baarlamanka Puntland iyo hay’adaha kale ee dowlada Puntland ee shaqo-wadaag yihiin wakaaladiisa. Masuulkaan ayaa noqonayo masuulka kaliya ee intuu xilka hayay oo kor u dhaatay 5 sanadood marna BARLAMAANKA PUNTLAND hortagin wax warbixin ah oo kusaabsan wakaalad soo gudbin.
Sababta ugu weyn ee loo aaneynayo qarinta ujeeda safarkaan ayaa la quundareenyaa ineey yihiin:
- In laga badbaado faragalinta dowlada federalka. Sidaa daraadeedna inta buuqu jiro la dadajiyo saxiix heshiiska
- In BARLAMANKA PUNTLAND uusan u yeerin Mudane Dhoolawaa oo la aamisan yahay in howlihii wakaalada uusan wax hormar ah oo la taaban karo gaarsiin.
- In la baalmaro sida mar walba caadada u ahaan jirtay maamuladii Puntland soo maray in lacagaha laga helo shirkadaha shidaalka iyo sooryada wax laga siiyo Madaxweyne ku-xigeenka, barlamaanka, odayaasha dhaqanka, iyo xerta ka agdhow madaxweynaha.
Ogaanshaha iyo soo shaac bixidda heshiiskaan oo mudo badan la qarinayay ayaa wuxuu walaac weyn ku abuuray madaxweyne GAAS iyo Mudane Dhoollawaa oo aad uga leexleexanaya in looga yeero Barlamaanka iyo hanta-dhowrka Puntland si loola yeesho la xisaabtan dhab ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

