29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Ahlu-Sunna oo iska fogeysay eedeymo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo ka hor Ahlusuna lagu eedeeyay inay kasoo horjeedan dhismaha gobolada dhexe ee dalka, ayaa waxaa arrintaasi beeniyay Sheikh Cali Warsame.

Sheikh Cali Warsame waxa uu sheegay in Ahlu suna ee gobolka Galgaduud aysan kasoo horjeedin dhismaha Maamulka gobolada dhexe ee dalka balse ay kasoo horjeedan qaabka ay DF Somalia wax u wado.

Wuxuu sheegay Sheikh Cali Warsame in marka hore loo baahnaa in maamulkaasi ka arinsadaan dadka dega gobolada dhexe gaar ahaan gobolada la doonayo in maamul loo sameeyo ee Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu Sidoo kale Sheikh Cali uu hoosta ka xariiqay in waxa la isku hayo ay tahay in Shacabka gobolada dhexe iskood u gaaraan go’aanka loogu sameynayo maamul mideysan,wuxuuna carabka ku adkeeyay in iyagu ay xaq u leeyihiin lagala tashto sameynta maamul goboleedka Mudug iyo Galgaduud.

Dhanka kale, Arintaan maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka ayaa sababtay in dagaal uu dhexmaro maamulka Ahlu sun iyo ciidamada ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ku dagaalamay gacan ku heynta degmooyinka Gura-ceel iyo Dhuusa-mareen ee bartamaha Somaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News