28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Magacaabista wasiirada Shariif Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Baydhaba, ayaa sheegaya in Saacadaha soo socda Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku dhawaaqi doono Golaha Wasiirada Maamulkiisa.

Xarunta Maamulka ayaa waxaa hadda ku sugan Weriyayaasha Idaacadaha iyo Telefeshinada, waxaana la filayaa in goor dhow la magaaaco Golahaasi.

Mid kamid ah Weriyayaasha Xarunta ku sugan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in hada ay socto Munaasabada lagu magacaabayay Wasiirada Maamulka, waxaana halkaasi ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia iyo AMISOM.

Sidoo kale, waxaa goobtaasi lagu arkayo xubno ka mid ahaa maamulkii Madoobe Nuunoow ee heshiiska la gaaray maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirada uu soo magacaabi doono Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa noqon doona kuwo awood qeybsi ah, sida ay ku heshiiyeen maamulka Koonfur Galbeed iyo Midkii Lixda Gobal ee uu sheeganayay Madoobe Nuunoow.

Dhanka kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed ka dib doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba, waxaana xafladii caleema saarkiisa ka qeybgalay madax sare oo dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ka socday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News