Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan DF Somalia, ayaa xaqiijiyay in Magaalada Muqdisho uu dhawaan booqasho rasmi ah ku imaan doono Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Booqashada Erdogan ayaa la sheegayaa inay noqon doonto mid uu ku indha indheynaayo Xaalada Somalia, waxa ayna booqashadaani noqoneysaa tii ugu horeysay uu ku imaan doono Somalia tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha dalkaasi.
Madaxweynaha, ayaa waxaa la xaqiijiyay in bishaan uu booqan doono dalalka Somaliya, Ethiopia iyo Tanzania, bale si rasmi ah Madaxda ugu sareysa Somalia uma aysan shaacin booqashada Erdogan uu kusoo gaari doono dalka Somalia.
Recep Tayyip Erdoğan ayaa bishii August ee sanadkii 2011-ka yimid Somalia isagoo xiligaas ahaa Ra’isul Wasaaraha dalka Turkiga halka uu haatan yahay Madaxweynaha dalka Turkiga.
Sidoo kale, Xilligii uu imaanayay Erdogan waxaa dalka ka jirta abaar xoogan, iyadoo dowladda Turkiga ay gacan ka qaadatay sidii wax loogu qaban lahaa dadkii abaarta kasoo barakacay ee ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, waxaan cadeyn xiliga rasmiga ah ee Erdogan uu gudaha bishaani ku imaan doono dalka Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]