25.4 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

CARRUUR ku dhimatay qarax MIINO !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bardaha oo hoos-taga degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo Khasaaro kala duwan ka dhashay.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay Miino ay ku cayaarayen tiro Carruur ah oo ku dheelayay miinada.

Qaraxa ayaa waxaa Saxaafada uga warbixiyay Cusmaan Geeddi Cilmi oo ah Duqa degmada Buulo-burte oo sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa 2-Carruur, iyadoona uu dhaawac kasoo gaaray Hal ruux oo la tilmaamay inuu culusyahay dhaawiciisa.

Cusmaan ayaa sheegay in wiilka dhaawacmay lagu daweynayo xarun caafimaad oo ku taala degmada, balse wuxuu sheegay inaysan xaruntu waxba ka qabin karin xaaladdiisa.

Dhanka kale, Cusmaan Geeddi Cilmi ayaa waxa uu DF Somalia ugu baaqay inay la socto xaalada wiilkaani dhaawaca halista ah uu kasoo gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News