29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sh. oo ansixinta wasiirada looga xiray laba shuruud iyo wixii uu ka yiri

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan BF Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaanada qaar ay Madaxweyne Xassan Sheekh u gudbiyeen talo ah inuu Golaha Wasiirada ka saaro Faarax C/qaadir iyo Sambaloolshe oo kaliya.

Taladaani ayaa la sheegayaa inay gudbiyeen Xildhibaano dhex dhexaad ka ah garabka Xasan iyo kuwa Mucaaradka ah, waxa ayna Xasan ku wargaliyeen in dhibaato farabadan uu ka dhalan doonto arrinta is qabqabsiga wasiirada, waa haddii ay sidaani kusii socoto.

Labada arrin ayaa lagu kala sheegay in Faarax C/qaadir gabi ahaan laga qaado xilka wasiirnimo, islamarkaana uu ka dhexbaxo xarunta Villa Somalia, si xukuumadda cusub loo ansixiyo.

Arrinta labaad ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu dib ula laabto hamiga ah in Sambaloolshe uu ka mid noqdo wasiirada cusub, maadaama uu horey dambi uga galay shacabka iyo siyaasyiinta Muqdisho, sidaa darteedna aan mar kale la aqbali karin in saaxadda siyaasadda lagu soo celiyo.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegayaa inuu ka biyo diiday in dib looga laabto Wasiiradii la soo magacaabay, waxa uuna weli ku adkeysanayaa in saaxiibadiis aysan marnaba ka bixi dooni golaha asiirada.

Xidlhibaanada bad-baadinta qaranka, ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin inay ogolaadaan Xuseen Xalane iyo Guuleed oo ka mid ah afarta wasiir ee la diiday, balse aysan marnaba aqbali doonin Faarax C/qaadir iyo Sambaloolshe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News