32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xildhibaan & hogaamiye kooxeed hore oo caan oo ku geeriyooday Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo baryahaani ku xanuunsanaa Muqdisho.

Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa warfidiyeenada u xaqiijiyay Xildhibaan Yacquub Maxamed Cali, waxaana uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu la itaal darnaa xanuun, balse uu habeenimadii xalay u geeriyooday Xanuunkaasi.

Waxa uu sheegay in Xanuunka hayay uu ahaa mid dhanka neerfaha ah, sidoo kalena jiray xanuun dhanka wadnaha ah, islamarkaana horay loogu qaaday Isbitaal ku yaala dalka Turkiga, balse dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Xaabsade ayaa waxa uu horey uga mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii maamuli jiray magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Dhanka kale, Meydka marxuumka oo iminka yaala Isbitaalka Deva ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso qabuuraha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News