Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray dhanka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi laga eryay dhamaan weriyayaashii ka howlgalaayay Idaacadaha iyo Telefishinada magaalada Muqdisho.
Dhacdadaani ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay qaar ka mid ah wariyayaasha oo sheegay in markii la keenay xarunta Isbitaalka, loo diiday in gudaha u galaan halkaasi, halka ay tilmaameen in wariyaasha Ajaaniibta gudaha loo fasaxay, sida ay weriyayaasha hadalka u dhigeen
Kaamirmaan kamid ah wakaaladda Wararka AP ee magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in Saraakiisha amaanka ay diideen in Weriyayaasha Soomaalida gudaha u galaan Isbitaalka iyo goobaha muhiimka ahaa oo lagu soo dhaweynaayay Madaxweyne Erdogan, waxa uuna carabka ku dhuftay in galitaanka gudaha loo fasaxay Weriyayaasha cadaanka ee Ajaanibta ah, sida uu hadalka u dhigay Faarax Cabdi Warsame.
Dhanka kale, Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa inta badan Ehel u ah dhibaatooyin kaga imaada dhanka DF Somalia iyo Kooxaha xagjirka ah, waxa ayna dhacdadaani maanta lagu diiday Weriyayaasha ay daba soctaa mid lagu waxyeeleeyay dhowr weriyayaal xili ay howl maalmeedkooda gudanayeen Qaraxii S.Y.L.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

