28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

DHAGEYSO: Xeer ilaaliyaha qaranka oo fadeexad dhex fadhiya kadib markii ay Puntland & S/Land ku marqaati fureen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa fadeexad culus dhex fadhiya kadib markii Somaliland iyo Puntland ay beeniyeen marqaati uu xeer ilaaliyuhu u qabsaday oo ahaa in markab sharci darro loogu heystay dekadda Muqdisho lagu sii daayay qoraal uu maxkamadda Gobolka Banaadir u qoray.

Puntland ayaa qoraal jawaab ah u soo qortay Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Kaluumeysiga  waxay ku caddeysay inuusan markabka Muqdisho laga fasaxay ka diiwaan gashaneyn Puntland, Qoraalka Puntland ayaa la soo gaarsiiyay Baarlamaanka Soomaaliya oo baaritaan ku haya kiiskan.

Somaliland ayaa dhinaceeda shaaca ka qaaday in Markabka Muqdisho lagu qabtay aanu jirin fasax Somaliland siisay, wuxuuna sheegay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland in Somalia iyo Somaliland aanay waxba isugu jirin oo ay laba dal kala yihiin, Markabka uu sheegay Xeer ilaaliyaha Soomaaliyana aanu wax xiriir ah la lahayn kaa diiwaan gashayn Somaliland.

Dhegeyso wareysigii xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka Soomaaliya ee arrinta markabka fadeexada

Isha: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News