Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan Kulmiye iyo Wadani oo saaxiibo dhow la ah Madaxweynaha Maamulka Khatumo State ay u kala dabqaadayaan Madaxweyne Galeyr iyo Maamulka Somaliland.
Ilo wareedka aan xogtaani kasoo xiganay ayaa sheegaya in Ujeedku uu yahay in xal laga gaaro weerarada iyo khilaafyada taxanaha ah ee u dhexeeya labada Maamul, iyagoona dhanka kale sheegay inaysan dhib u arag in Khatoum State ay la imaado Siyaasad ay kula jaanqaadeyso Maamulka dariska la ah ee Somaliland.
Madaxweyne Galeyr waxa uu weli ku adeegayaa in loo madax baneeyo amuuraha khuseeya Maamulkiisa, halka Somaliland ay iyaduna xooga ku bixineyso in Khatumo ay kusoo biiriso maamulkeeda.
Inkastoo labada Madaxweyne loo kala dabqaadayo, hadana waxaa muuqda in Galeyr uu walaac ka muujinaayo dibindaabada ay u maleegayaan Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbiyada oo iyagu darajo Siyaasadeed ku raadinaayo isu keenista labada dhinac.
Maaha mid lasii saadalin kara in la helo Siyaasad mideyso labada Maamul, walow ay arrintaasi horay u fashilmatay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

