24.9 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

SHIR muhiim ah oo ka socda Xafiiska R/W Sharmarke (Maxaa looga hadlaa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Villa Somalia, ayaa sheegaya in R/W CC uu xafiiskiisa kula shiraayo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo isugu jira kuwo isaga taageersan iyo kuwo dhexdhexaad ka ah Siyaasadaha is diidan.

Wararku waxa ay sheegayaan in R/W CC uu Xildhibaanadaasi kala hadlaayo sameynta ololo lagu dhaqan galinaayo Wasiirada Cusub.

Xildhibaanada uu R/W CC la kulmay ayaa u badan kuwa saaxiibo dhow la ah Madaxweyne Xassan Sheekh kuwaasi oo iyagu loo qeybiyay laba qeyb oo dhexgal ku sameeya BF, si loogu guuleysto meelmarinta Wasiirada oo iyagu mar kale is hortaag kala kulmay Xildhibaanada BF Somalia.

Xildhibaanada ayaa waxaa la tilmaamayaa inay gaarayaan ilaa 18, waxaana la soo warinayaa in Ra’isul wasaaraha dalka uu u balan qaaday bixinta dhaqaalah ku baxa Hoteelada iyo adeegyada ay isticmaalayaan xiliyada ay ku howlan yihiin dhexgalka mudanayaasha kamid ah Labada Kutladood ee lidka ku ah dhaqangalinta Wasiirada, waxaana jiro balamo kale oo lagu abaalmarin doono haddii la meelmariyo Wasiirada.

Dhanka kale, R/W CC ayaa rajo wanaagsan ka qaba in Xildhibaanada uu hada la kulmayo ay natiijo wanaagsan kasoo hoyiyaan kulamada iyo dhexgalka ay ku sameynayaan Kutlooyinka.

Waxaan la sii saadalin karin natiijooyinka kasoo bixi doona Xildhibaanadaani uu R/W CC goor dhow u xilsaaray la falgalida Kutlooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News