Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inay socdaan qaab cusub oo la doonayo in lagu soo dhiso golaha wasiirada cusub ee xukuumada Cumar C/rashiid Cali oo hadda ku dhawaaqisteeda ay ka harsan tahay muddo 6 maalin ah.
Xafiiska R/wasaaraha ayaa waxaa laga dareemayaa mashquul badan iyadoo kulamada qaar ka mid ah baarlamaanka iyo R/wasaare cumar ay yihiin kuwo isdaba joog ah sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow xafiiska.
Waxaa hada soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah 20-wasiir ee uu dhowaan magacaabay R/wasaaraha isbadal lagu samayn doono oo lagu soo badli doono xubno ka tirsan baarlamaanka, sida Xogta aan ku helnay.
Caasimada Online ayaa ogaatay in xukuumada la dhameystirayo qorshuhuna yahay in 25-wasaaradood laga dhigo waxaana la sheegayaa in kala bar ama in ka badan in xildhibaano ay noqon doonaan.
Sidoo kale Caasimada Online ayaa heshay xogta ah in xubnaha baarlamaanka ay qaadanayaan in taban wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha uu R/wasaaraha soo magacaabayo, sida ay sheegeyso xogta ay heshay Caasimada Online.
Arimahaan oo dhan ayaa waxaa looga golleeyahay in baarlamaanku uu ku qanco xukuumada oo la meel mariyo taasi oo aanan la ogayn sida ay ugu qanci karaan.
Barlamaanka dhexdiisa waxaa ka samaysmay garabyo kala duwan oo xildhibaano ay ku mideysan yihiin kuwaasi oo kala ah kooxda Badbaado qaran iyo kooxda toosinta talada dalka.
Waxaa jira xildhibaano kale oo anan labadaan garab ku jirin kuwaasi oo ayaguna loo arko inay miisaan leeyihiin oo doonaya inay dantooda ka dhex arkaan xukuumada.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa baarlamaanka ka codsaday in mudo 10-maalmood ah ay siiyaan si uu u soo dhameestiro xukuumada waxaana haatay waqti la siiyay kaga harsan Lix maalmood oo kaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

