29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: R/W CC oo billaabay sidii uu ugu dhex milmi lahaa xildhibaannada BFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa uu Magaalada Muqdisho ka wadaa olole siyaasadeed, oo uu ku doonaayo taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku midoobay labada Kudladood ee Baarlamaanka, ayaa waxay si weyn kaga horyimaadeen tallaabada uu markii labaad uu Ra’iisal Wasaaruhu ku soo magacaabay Golahiisa Wasiirada. Ka dib markii ay ku dhaliileen inaanu kala tashan Xildhibaanada.

Labadii maalmood ee ugu dambeysay, ayuu Ra’iisal Wasaaraha la kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanada, isagoo ka dhaadhicinaaya inay aqbalaan Golahiisa Wasiirada, isla-markaan ay qaataan qoondo uu ugu talla galay.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa labada Kudladood ee Baarlamaanka la doonaaya inay qaataan 5 Wasiiro iyo Ku Xigeenadooda, ayna codka kalsoonida siiyaan Golaha Wasiirada, inkastoo ay taasi habeenkii Jimcaha ka horyimaadeen.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin, ayaa waxay sheegayaan in ay suurta gal tahay in Ra’iisal Wasaaruhu, uu mar labaad uu dib ugu laabto Golahiisa Wasiirada, si uu dib u habayn ugu soo sameeyo.

Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa habeenimadii Sabtida qiray in uu dhaxlay siyaasad wareersan, xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.

Caqabadaha uu Ra’iisal Wasaare Sharmaarke kala kulmaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa dusha looga tuuray Madaxtooyada Somaliya, oo lagu eedeeyay inay fara-gelin toos ah ku heyso shaqada Ra’iisal Wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News