28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Qarax xoogan oo khasaaro kala duwan geystay oo dhacay & xog sheegeysa…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa la sheegayaa in goor dhow uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan islamarkaana laga wada maqlaayay inta badan Magaalada Beledweyne, waxaana la soo sheegayaa in Qaraxa uu ahaa mid ka dhashay miinada nooca dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa la soo warinayaa in lasoo dhigay goob lagu qaxweeyo oo ku taala xaafada Hawlwadaag, halkaasi oo ay Khasaaro kala duwan kasoo gaartay dad shacab ahaa.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi ayaa waxaa ku nafwaayay Hal ruux, halka dhaawacana uu yahay ilaa Seddex ruux oo shacab wada ah.

Sidoo kale, Qaraxa ka dib waxaa halkaasi gaaray Ciidamada Booliska ee Magaalada Baladweyne, waxayna iminka ka wadaan hawlgalo ku aadan kuwii qaraxaasi geystay.

Dadka ku waxyeeloobay Qaraxa ayaa waxaa loo daadgureeyay Isbitaalka Guud ee Magaalada Baladweyne.

Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Baladweyne Axmed Maxamed Khaliif, ayaa sheegay in tiro dad ah oo qaba dhaawacyo kala duwan la soo gaarsiiyay Isbitaalkooda.

Dadka ku dhaqan xaafada Hawlwadaag oo u gurmaday dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi, ayaa Warbaahinta u sheegay in tiro dad ah ay ku dhimatay qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News