25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

DHAGEYSO: Cabdi Qeybdiid: Xasan Sh waxa uu geystay xad-gudub dastuuri !

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug waxa uu saluugay shirka maalintii uu Madadxweynaha Somaliya Magaalada Muqdisho uu kula qaadanaayo Madaxda Jubba, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Madaxweynaha oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta, ayaa ku waramaaya in shirka ka soconaayo Muqdisho uu yahay shir looga hadlaayo mustaqbalkii dalka, oo misena aan loo dhammeen.

“Waxaan shirkaan u arkeynaa mid looga hadlaayo aayihii dalka. Maamulada ka qayb galaaya dalka oo dhan ma matalaan. Wixii ka soo baxo anaga ma aqoonsan doono.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

“Anagoo Xamar joognay shirkaasi na laguma soo casuumin, waa ku xad gudub Dastuur oo uu geystay Xasan Sheekh, in shirkaasi oo looga hadlaayo aayihii dalka aan nalaga soo qaybgelin.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Arrin meel ka dhac ah ku ah weeye sharuucda dalka u yaala, Dowladda iyo midda Galmudugba. Shirkaas wax hadda lagu jiray in laga wada hadlo maba ahayn.” Ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale.

“Shirkaasi wuxuu caqabad ku noqonayaa Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, oo aan ognahay in Dowladdu ay ka gaabisay.” Ayuu yiri General Qeybdiid.

Halkan ka dhageyso wareysiga Qeybdiid ee BBC-da

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News