Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa siyaaba kala duwan Magaalada Muqdisho uga socda kulamo u dhexeeya Beesha Habar-Gidir oo iyadu caro ka qaaday kulamadii Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Magaalada Muqdisho kula qaateen Hogaamiyayaasha Seddex Maamul Goboleed.
Kullamo ka socda Hoteelad Muqdisho, ayaa waxaa ka qeybgalaya Siyaasiyiin, Odayaal iyo aqoonyahaano ka tirsan Beesha Habargidir, kuwaasi oo kasoo horjeeda go’aanka DF Somalia ay ku martigalisay Axmed madoobe, Shariif Xassan iyo C/weli Gaas, islamarkaana looga reebay Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.
Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ayaa waxa ay kulankooda ku muujinayaan ka hor imaanshaha go’aanka Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cabdiweli ay ku kala qaad-qaadeen Maamulada Gobolada, ayaga oo xaqiray Gal-Mudug iyo Ximan iyo Xeeb.
Waxa ay sheegen in marnaba aysan raali ka noqon karin in xiligaani Madaxda Qaranka ay buun-buuniso Maamulada qaar, halka kuwa kalane aan loo muujin ixtiraam jiritaan, taasina ay tahay gardarro cad.
Waxaa la filayaa in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ay Cod iyo qoraalba gaarsiiyaan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, iyagoona u muujin doono inay kasoo horjeedan go’aanada lagu kala soo caayo Maamul Goboleedyada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

