Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Mohamed oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa aad u dhaliilay Madasha cusub uu Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed uga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Madasha Midnimada Dimuqraadiyadda Soomaaliya ujeed loo aasaasay uu yahay in lagu carqaladeeyo Hanaanka Siyaasadeed ay iminka ku socto DF ah ee Somalia.
”Adeer waxaan u arkaa inay tahay nasiib daro in Ra’isul wasaarihii hore iyo garabkii Baarlamaanka ka taageersanaa ay xiligaani sameeyaan Madal looga soo horjeedo DF, wan la socnaa in ujeedku yahay in looga hor imaado shaqooyinka dowlada”
Waxa uu intaa kusii daray ”Dhamaan raga isku baheystay madasha waa ragii mudadii labada bil foodada ka dhex waday Baarlamaanka xukuumadihii la dhisayna fashiliyay, waxa ay hadana damacsan yihiin inay dedejiyaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha si doorashada aynan wakhtigeeda u dhaafin, laakiin aniga dhismaha uma arko mid baahi loo qabo haddii ay marba ku jiraan xildhibaanadii qaska waday”
Muhiimadda loo dhisay Madashan ayaa ah sidii Siyaasiyiintan ka dhexmuuqan waayay Xukuumada cusub ay Siyaasadda dalka ay kasii mid ahaadaan, oo markalena ay raadiyaan Fursado ay Hogaanka sare ku qabtaan.
Dhanka kale, Madasha Midnimada Dimuqraadiyadda Soomaaliya, ayaa waxaa iminka Gudoomiye ka ah C/wali Sheekh waxaana arrinta Madasha kasoo horjeeda Siyaasiyiinta aaminsan Siyaasadaha ka socda Villa Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

