28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sideed qodob oo saldhig u noqon kara xaqiijinta amaanka Hoteellada XAMAR

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa waxaa inta badan lagu dhaliilaa inaysan niyad u heyn la socodka Hoteelada iyo goobaha ay ku caweeyan bulshada muqdisho ku nool.

Inta badan Hoteelada Muqdisho oo faraha kasii baxaaya ayaa waxaa ilaalo ka ah Maleeshiyaad hab qabiil loo soo xulay oo aan hoostagin DF Somalia, waana tan keentay inay sahlanaato weerarada lala beegsanaayo Mas’uuliyiinta Dowlada xiliyada ay ku jiraan gudaha Hoteelka iyo xiliyada ay kasoo baxayaan.

Haddaba waxaa hoos ku xusan 8-qodob oo aan u arko inay suuragal tahay in lagu gaari doono xal waara oo ka dhashay dhanka amaanka Hoteelka, laguna xaqiijin karo amaanka guud waxaana kamid ah:

1-In ilaalada Hoteelada Muqdisho laga dhigo Ciidamada Dowlada gaar ahaan Nabadsugida iyo Booliska, maadaama dalka uu ku jiro xaalad khatar ah.

2-In Hoteel waliba la geeyo ciidamo dhar cad oo la socda dhaqdhaqaaqyada dadka ku dhexsugan Hoteelka ee suuraalka ah inay carqaladeeyaan Amaanka.

3-In laga fogaado shaqsiyaadka kasoo safra gobolada ee nasiinka iyo howlaha u dega Hoteelada, maadaama aan loo laheyn aqoon buuxda.

4-In degida Hoteelada kaliya loo ogolaado Wasiirada, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Ganacsatada aqoonta loo leeyahay iyo Saraakiisha ciidan ee awooda u leh inay degaan Hoteelada, taasi oo noqon karta mida kaliya lagu xakameyn karo Amaanka Hoteelada.

5-In DF Somalia ay si gaar ah u tababarato ciidamo awood buuxda u leh ilaalinta goobaha shacabka ku kulmaan, sida Hoteelada IWM.

6-In meesha laga saaro maleeshiyaadka ilaalada looga dhigaayo Xarumaha lagu shaaho sida Hoteelada, Kafateeriyada waaweyn, kuwaasi oo inta badan lagu arko shaqsiyaad hubeysan oo ilaalo ka ah, balse aan hoostagin DF.

7-In la helo isla xisaabtan dhexmara wasaarada arrimaha gudaha iyo Milkiilayaasha Hoteelada iyo kuwa leh goobaha suuragalka ah in Maleeshiyadu ay ka sameyso weerarada.

8-Qodobka ugu dambeeya oo ah in ilaalinta iyo xaqiijinta amaanka aysan ku ekaan Villa Somalia, balse laga warqabaa amaanka guud.

W/D: Maxameddeeq C/qaadir Nor

- Advertisement -

Read more

Local News