28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Haweeney weerartay hoyga mid ka mid ah gudoomiyayasha gobolka Banaadir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweeney ku hubeysneyd Bam Gacmeedyo ayaa waxa ay weerar ku qaaday Hooyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Gudoomiyaha Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Haweeneydaasi ayaa waxa ay markii hore laba jeer meesha ku martay socdaal sahmin ah, waxa ayna markii xigtay ku tuurtay Bam Gacmeed, xili uu Gudoomiyaha la joogay Hal askari, sida laga soo xigtay mid kamid ahaa Istaafkiisa.

Bamka lagu tuuray hooygiisa ayaa waxa ay saameyn aan sidaa u badneyn ku yeelatay Askari ilaalo ka ahaa iridka hore ee Hooyga Gudoomiyaha.

Dhanka kale, waxaa si nabad ah halkaasi uga baxsaday Haweeneydii weerarka fulisay, mana jirin cid kale oo ay waxyeeleysay Bambada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News