28.8 C
Mogadishu
Monday, December 15, 2025

XOG: Makiinado sammeeya lacagta oo la geeyey Puntland (Halis soo socota)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Boosaaso la keenay laba mashiin oo daabici doona lacagta faalsada kuwaasoo ay wada lee yihiin rag ku xiran madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan dowlakda Puntland.

Mashiinadan ayaa lagu rakibay maalintii axada magaalada Boosaaso, gaar ahaan bangiga dowlada halkaas oo la doonayo in lagu daabaco lacago balaayiin shilin Soomaali kuwaasoo laga sameyay warqad A4.

Lacagtan faalsada ayaa halis ku keeni doonta ganacsiga Puntland oo muddooyinkan la daalaa dhacayay mushahar laan iyo musuqmaasuq.

Ganacsatada Puntland iyo culimada ayaa si weyn uuga soo horjeeda mashiinadan ay keeensadeen ragan ganacsatada ah xili laga baqayo in shacabka Boosaaso ay ku kacaan dowlada sidii horey u dhacdey xiligii madaxweyne Cadde Muuse.

Ganacsade magaciisa qariyay ayaa sheegey khatarta mashiinadan, isagoo yiri “Adeerayaal lacagtii dollarka ee aan shaqeysanay ayay rabaan iney noogu badalaan A4 rag ganacsato ah oo uu madaxweynaha Puntland kula hishiiyay saami-qeybsi”.

Dhanka kale, dhaqaalayahanada Puntland ayaa iyana muujinaya dareen rajo-xumo ah una arka mashiinadan la keenay iney abuuri doonaan dhaqaale xumo baahsan.

Aqoonyahan Jaamac Geele, oo khabiir ku ah sicir-bararka lacagta (Money Inflation) ayaa uuga digey madaxwynaha Puntland inuu daabaco lacago aan laheyn damaanad iyo hanti adag isagoo sheegey iney iman doonto sicir barar saameyn doona nolosha shacabka Puntland.

Isku soo wada duub mashiinadan daabici doona lacagaha faalsada oo ey horboodayaan kooxo ganacsata ah ayaa laga baqayaa iney horseedo dhaqaale xumo amni xumo iyo kacdoon dadweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News