28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG: XASAN oo xilka ka qaadaya Gen. Indha-Qarshe (Yaa lagu beddelayaa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Cumar C/rashiid Cali, uu magacaabay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini, ayaa waxaa soo baxay tuhun ku aadan cidda laga dhigayo taliyaha ciidamada meletariga Soomaaliya.

Waxaa tuhun kale sii dhaliyay markii magaalada Muqdisho ay hal maalin isla yimaadeen abaanduulihii hore ee ciidamada xooga dalka Generaal Dhaga-badan iyo C/qaadir Sheikh Cali Diini.

Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan inay jiraan qorshe xilka looga qaadayo taliyaha ciidamada meletariga Soomaaliya Generaal Indha-Qarshe, oo uu wado Xasan Sheekh, lana doonayo in xilkaasi loo dhiibo abaanduulihii hore ee ciidamada xooga dalka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay socdaan qorshe xilalka looga qaadayo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, si loo sameeyo isbedel dhab ah oo ku aadan dhanka ciidamada xooga dalka.

Wararka qaar oo aan helnay ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Gerenaal Indha-Qarshe, inkastoo aan la heynin xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan arintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News