Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta safar ku tegay Dhuusamareeb ayaa markii ugu horreysay muujiyay kalsooni daradda u dhaxeeysa xulufadiisa iyo Xukumadda Ethiopia.
Cumar Cabdirashiid ayaa Beledweyne uga yeertay Ciidan Jabuutiyaan ah kuwaas oo lagu celiyay Guriceel inkastoo saakay labadii subaxnimo loo fasaxay inay Dhuusamareeb u gudbaan.
Magaaladda Dhuusamareeb waxaa talis weyn ku leh Ciidanka Ethiopia hase yeeshee sida muuqata, Cumar Cabdirashiid wuxuu ku aamini waayay inay sugaan ammaankiisa.
“Ciidankii Ethiopia oo Dhuusamareeb jooga inuu Jabuutiyaan uga yeerto Beledweyne waxeey shaaca ka qaaday kalsooni darada ka dhex jirta labada dhinac laakiin waxaa laga warsugayaa jawaabta Ethiopia” ayuu yiri siyaasi ku sugan Dhuusomareeb.
Dhinaca kale, Garoonka Muqdisho waxaa looga tegay xubno ka tirsan Wafdigga lagu waday iney raacaan Ra’isulwasaaraha kuwaas oo iskugu jiray Xildhibaano, Ganacsato iyo Gudigga farsamadda.
Xubnaha laga tegay oo goor dhaweeyd ku laabtay Hoteladeey Muqdisho ka deganaayeen iyagoo careeysan waxaa markii hore loo sheegay inay diyaarad labaad qaadi doonto maadama ay ka buuxsantay diyaaradii Ra’isul wasaaraha laakiin taas ma dhicin.
Xog gaar ah ayaa sheegeysa in Cumar Cabdirashiid uu Dhuusamareeb u tegay siduu u fashilin lahaa heshiiskii uu Wasiirka Gaashaandhigga la saxiixday Xoogaga Ahlu-Sunna, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maamulka Puntland ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii loo wiiqi lahaa Maamulka lagu wado inuu goboladda dhexe ka dhismo.
Kooxda Damujadiid waxeey doonayaan iney Muqdisho ku qabtaan shirweyne, iyagoo halkaas uga dhawaaqi doona in Madaxweynaha goboladda dhexe loo doortay Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo ku fashilmay Siyaasaddii Dowladda dhexe Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

