25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Danjire BARI-BARI oo ku geeriyooday weerarka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in danjirihii Somalia u fadhiyey dalka Switzerland Yuusuf Bari Bari uu u dhintay dhaawicii kasoo gaaray Weerarka lagu qabsaday Hotel Makka Al-mukarama.

Danjire Yuusuf Bari Bari, ayaa Hoteelka laga soo bixiyay isagoo dhaawac halis ah, waxaana rasaasta badi looga dhuftay Caloosha, taasi oo markii dambe sababtay inuu u geeriyoodo.

Sidoo kale, waxa uu kamid ahaa tiro mas’uuliyiin gaareysa 40 oo leysugu geeyay goob gaar ah, waxaana la tilmaamayaa inuu kamid noqday Mas’uuliyiinta lagala soo dhexbaxay, waxa uuna deegaan ku ahaa Hotelka Maka Almukarama.

Sido kale waxaa jira warar weli aan la xaqiijin oo sheegaya inuu isagana dhintay Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Dr Cali Saciid Fiqi.

DF Somalia ayaa ka gaabineysa inay ka runsheegto xaqiiqda weerarkaasi, waxa ayna dabooleysaa Khasaaraha ka dhashay Hoteelka.

Dhanka kale, Tirada ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca ayaa la sheegayaa inay u badnaayen Mas’uuliyiin ka tirsanaa DF Somalia, inkastoo aan weli la xaqiijin magacyadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News