”Somaliland cadaawada kala dhexeysa Somaliweyn hada ayay soo ifbaxday” sidaa waxa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalmo ka hor Maamulka Somaliland ay Magaalada berbera kasoo ceyrisay Qaxootiga Soomaalida kasoo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xidhibaan Axmed Ducaalle Gelle Xaaf.

Xidhibaan Xaaf waxa uu sheegay in xiligaani la jooga Maamulka Somaliland ay qaab qaldan u siyaasadeyneyso Qaxootiga kusoo barakacay Deegaanadooda, waxa uuna meesha ka saaray in taasi ay tahay mid ay ku gaarayaan hamigooda ku aadan gooni isu taaga.

Waxa uu sheegay in la xiray shaqsi Soomaali ah, islamarkaana dalka Yemen ku noolaa muddo badan, kaasi oo uu sheegay in uu fududeynayay imaanshiyaha dadkaasi kasoo barakacay Yemen iyo qaabka doonida loo soo kireynayo.

Xildhibaan Xaaf oo si qoto dheer uga hadlaayay arrintaasi ayaa waxa uu yir “Somaliland wey Siyaasadeysay Imaanshiyaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ka imaanaya, waxa ay diideen in dadkii yimaadaan, waxay xireen nin wanaagsan oo howshaasi gacan weyn ka geysanayay, taasi waxa ay ka turjumeysaa dagaalka ay kula jiraan Somaliweyn”

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay Siyaasada Somalia kala dhexeysa si qaldan u fahan tahay waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in taasi aysan ku gaari doonin hormarka ay tiigsaneyso.

Go’aanka Maamulka Somaliland ay ku mamnuucday marti galinta Qaxootiga ayaa waxa uu imaanayaa xili dalka Yemen ay ku sugan yihiin Muwaadiniin badan oo aan heysan wax nolol ah.

24-kii bishan Somaliland ay ku dhawaaqday in dekadaheeda ka xiran yihiin dadka Yemen kasoo cararaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com