Sawirro: Ciidanka Burundi oo ka baxaya Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-  Go’aan kasoo baxay Taliska guud ee Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalada AMISOM, ayaa waxaa dib loogu celinayaa Tiro ka tirsan Ciidamadaasi oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka howlgalaayay dalka Somalia.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay goobjoog ka ahaayen Saraakiisha Ciidamada Burundi sida Taliyaha guud ee AMISOM Lt. Gen. Jonathan Rono, ku-xigeenka wakiilka AU ee Somalia Lydia Wanyoto iyo safiirka Burundi ufadhiya Somalia Joseph Nkurunziza, ayaa waxaa bilad sharaf lagu gudoonsiiyay 1828 askari oo Burundian ah kuwaas oo waajibaadkoodii shaqo ee AMSIOM soo gabagaboobay dibna loogu celinaayo dalkooda.

Go’aankaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo rabshado ay ka socdaan dalka Burindi, waxa uuna go’aanka daba socdaa mid dhawaan Ururka AU-da ay ku mamnuucday in Ciidamo ka socda dalka Burindi la geeyo Somalia.

Ciidamadaani oo si hufan u gutay waajibkooda ayaan la ogeyn cida buuxin doonta booska ay faarujin doonaan, wallow uu hoos dhac ku imaaday tirade gabi ahaan ciidamadaasi ay ku joogen dalka Somalia.

AU-da ayaa horay uga hor imaaday go’aan Ciidamo ka socda dalka Sierra Leone, lagu keeni lahaa Somalia iyadoona baajintooda loo sababeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan dalkaasi loona soo waday Somalia lagu arkay xanuunka Ebola.

Dowladaha ay Ciidamada ka joogan Somalia, ayaa iyagu wada qorsho ay Ciidamadooda kala baxayaan gabi ahaan dalka Somalia si amaanka dalka loogu wareejiyo Ciidamada DF oo iyagu xiligaani badankooda la qarameeyay.
1

2

3

4

5

7

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com