XASAN SHEEKH oo ka hadlay MOOSHINKII lagu sharci darreeyey baarlamaanka AXMED Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay go’aankii uu baarlamanka Soomaaliya ku ansixiyey mooshinkii sharci darrada ka dhigay baarlamanka Axmed Madoobe.

Xasan Sheekh oo aan ku qanacsaneyn go’aanka, ayaa ugu baaqey guddigii dhowaan xukuumadda u magacawdey xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka KMG ee Jubba inay dardar geliyaan hawshooda.

Hadalka Xasan ayaa u muuqda inuu iska indha tirayo go’aanka baarlamanka Soomaaliya, waxaana baaqiisa wada-hadal uu ku sheegayaa in weli baarlamanka Axmed Madoobe uu sharci yahay.

Waxa uu sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cumar Sharma’arke ay horey maamulka Jubba uga wadahadleen xalinta tabashooyinka jira, la iskuna afgartey dhismaha guddi heer wasiirro ah, si ay u guda galaan qaabka ugu wanaagsan ee beelaha wada dega Jubbooyinka loo qancin lahaa.

“Aniga iyo mas’uuliyiinka kale ee dowladda iyo baarlamanka waxaan isku aragti ka nahay dardar gelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo fulinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016. Dhismaha maamullada waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dib u soo kabashada dalkeena, caqabad walba oo la soo gudboonaatana waxaa naga go’an in wadahadal lagu dhammeeyo, isla markana dib u heshiisiintu ay sal u noqoto mustaqbalka soo socda ee Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Si kastaba, guddiga Xasan uu ka hadlayo ayaa sharciyan imanka ah mid aan jirin, maadaama baarlamankii inay buuqiisa xaliyaan loo magacaabay uu hadda meesha ka baxay oo sharci darro laga dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com