DF oo wada qorshe halis ah oo ka dhan ah Ahlu-Sunna (Arrintan waxa ay abuuri doontaa layaab)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in garab ka mida ururka Ahlu sunna loo aqoonsado qoox qas wade ah oo kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya, kadib markii kooxdaasi ay dhowaan qabsatay xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb, isla markaana ay diiday baaqyadii dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay inay dib uga laabato Dhuusmareeb.

Kooxdan oo la sheego inay taageero ka hesho dalka Itoobiya ayaa isku balaarinaya degaanada Gobolka Galgaduud, waxayna maanta abaabuleen banaanbax ka dhacay Dhuusamareeb oo ay ku canbaareeyeen hadalkii kasoo yeeray ergayga wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ahaa inay ka baxaan Dhuusamareeb.

Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cirfo ayaa labadaba ku tilmaamay kooxda Ahlu Sunna ee qabsatay Dhuusmareeb inay tahay fallaago oo aysan ka mid ahayn Ahlu sunna.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa isku aragti ka noqday tallaabada ay kooxdani ku qabsatay Dhuusamareeb, waxaana dadaalka dowladda ee ah in kooxdani loo aqoonsado nabad-diid fallaago ah ay  keeni doontaa inay la dagaalamaan ciidamada AMISOM.

Waxaa laga cabsi qabaa inay arrintan waqti dheer qaadato iyo waanwaan ay Itoobiya ka dhex sameyso labada dhinac oo keeni karta inuu socon waayo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya damacsan tahay.

isha goobjooge