25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Goorta ay dhaceyso doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka GALMUDUG oo la shaaciyey!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fedaraalka Soomaaliya, ayaa shaacisay jadwalka dhameystirka maamul  iyo dooroshooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdiramaan Maxamed Xuseen  (Odaawaa), ayaa u mahad-celiyay Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Farsamadda,  Maamulka Xumin iyo Xeeb iyo dhammaan saaxiibadda beesha caalamka, sida hufan ee ay uga qayb qaateen Dhismaha Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa tilmaamay in muddo labo todobaad  gudahood ah la qaban doono doorashooyinka Guddoonka Baarlmaanka, Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa.

Sidoo kale Wasiir Odawaa ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah la dhaarin doono inta badan xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dibna la gudageli doono doorashooyinka.

JADWAL CADAADO

- Advertisement -

Read more

Local News