Jawaari oo labo ujeedo maanta u tagay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga gudoomiye Jawaari oo ay kamid yihin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay xubnaha dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Cadaado.

Gudoomiye Jawaari ayaa magaalada Cadaado u tagay ujeedooyin ay kamid yihiin kaqeyb galka dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ee gobolada dhexe.

Sidoo kale ujeedada wafdiga Jawaari ee magaalada Cadaado ayaa la filayaa iney ka qeyb galaan kalfadhiga koowaad ee xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ee lagu dhisay magaalada Cadaado.

Gudoomiye Jawaari ayaa markii ugu horeysay ee uu tago u noqoneyso magaalada Cadaado ee gobolka Mudug halkaasi oo ay horey u tageen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com