K/GALBEED oo billowday arrin walaac abuurtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in Maamulka cusub ee Degmadaasi ay diideen Dukumiintiyada Dhulalka Dowladda ee uu bixiyay Maamulkii ka horeeyay kan iminka hayo.

Saciid C/raxmaan oo kamid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay in Maamulka cusub uu ka biyo diiday Dukumiintiyada dhulalka oo ay ka qaaten Maamulkii hore, waxa uuna sheegay in Maamulka cusub uu waxkama jiraan ka dhigay sharciyada lagu bixiyay dhulalkii ugu dambeeyay.

Waxa uu tilmaamay in qorshahaani cusub uu caqabad ku yahay wada shaqeynta Maamulka iyo dadka deeganka, waxa uuna go’aankaasi ku sheegay mid lagu boobaayo dhulalka ay leeyihiin dadka shacabka ah.

Sidoo kale, Xoghayaha Dowladda hoose ee degmada Afgooye Cumar Muxumad Muuse ayaa isna sheegay in amarka lagu mamnuucay Dukumiintiyadii uu saxiixay Maamulkii hore lagu mamnuucay amar kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Geesta kale, waxa uu sidoo kale sheegeen in Dhulka Dowladda hoose ay sharci darro tahay in la bixiyo, islamarkaana ciddii dooneysa Dhul ay la soo xiriiraan Maamulka Cusub ee Degmada Afgooye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com