DF Somalia oo la shaaciyay kaalinta ay MUSUQ MAASUQA caalamka kaga jirto (Fadeexad cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa kaalinta koowaad ka gashay Dowladaha caalamka ee lagu sifeeyay qaadashada Maamul-xumidda iyo Musuqa-maasuqa.

Verisk Maplecroft oo ah Hay’ad ku shaqeysa Hanaanka dabagalka Dowladaha Caalamka ee ku shaqeeya isdaba-marinta, ayaa sheegtay in Dowlada Somalia ay marba marka xigta kasii liidaneyso heerka ay ka gaarsiisan tahay Musuqa.

Hay’adda ayaa sheegtay in Musuq-maasuqa uu ka awood badan yahay Cudurada dilaaga ah.

Hay’ada Verisk Maplecroft ayaa warbixintaani ku sheegtay Warbixinta Sannadlaha, taasi oo lagu soo bandhigay 10-ka Dowladooda ee figta sare ka galay Musuqa Caalamka oo ay Somalia kaalinta koowaad kaga jirto.

Verisk Maplecroft waxay sheegtay inay raad-raacyo soo taxnaa bishii August ee sannadkii 2012-kii ilaa Augsut 2014-kii ku ogaaden inay Dowladaha caalamka ku kala heer duwan yihiin Laaluushka iyo Musuqa.

Sidoo kale, Hay’ada ayaa sheegtay in warbixintaasi ay la wadaagtay Khubaro badan iyo Wargeysyadda Wall Journal Street ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo lagu qoray in 80% Lacagaha soo gala Bangiga Dhexe ee Somalia yihiin kuwo jeebka lagu shubto, loona adeegsado Dano Shaqsiyadeed, waa sida uu Wargeyska WSJ daabacay.

Dhanka kale, daraasadaani ayaa imaaneysa iyadoo inta badan Dowladaha Caalamka ay ku howlan yihiin sidii ay uga gudbi lahaayen qaadashada dhaqanka Musuq-maasuqa halka Dowlada Soomaaliyana ay kusii dhiiraneyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com