“Baarlamankii qaranka iyo baarlaman beeled baa la dhex-dhexaadinaya waa inoo sharaf dhac”…!!!

Muqdisho (Caasmada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Baarlamaanka iyo shir guddoonkiisa aysan waxba kala socon Guddi dhexdhexaadin ah oo la sheegay inuu magacaabayo R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid; Guddigaasoo u kala dabqaadaya Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Jubba-land.

“Guddigu, yeey u kala dabqaadayaan.? Baarlamaan Soomaaliyeed oo inta fadhiistay ajende muhiim ah ka dooday, dabadeedna cod aqlabiyad leh ku ansixiyey ma jirto cid sharci u haysata in ay go’aanka Baarlamaanka buriso” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka jawaabayey su’aal ku saabsaneyd Guddiga R/wasaaruhu magacaabay, wuxuuna intaa ku daray in Masúul kasta oo Dowladda ka tirsan ay tahay inuu sharciga ixtiraamo, sharciguna noqdo mid qof kasta ka sareeya.

Xildhibaan Daahir Jeesow wuxuu sheegay in waxa ay ka codeeyeen Baarlamaanka ay aheyd cadaalad darro muuqata iyo xadgudub si ula-kac ah loogu geystay ummadda weligeed ku nooleyd Gobolada J/hoose iyo J/dhexe, wuxuuna ku tilmaamay tillaabadii uu Baarlamaanka xasanada kaga qaaday Baarlamaan Goboleedka Jubba in ay aheyd mid loo baahnaa.

“Baarlamaankii Qaranka oo ay ku jiraan dad ka yimid 18-ka Gobol ee Soomaaliya iyo Baarlamaan ku sheega uu sameystay Axmed Madoobe siddee loo dhexdhexaadin karaa, ama loo simi karaa eray bixintaas ayaa ba qalad ah.? lama sinnaan karo, haddii la sinaado Dowlad ma jirto markaas” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow, isaga oo intaa ku daray in nidaamka Dowliga ah ee dalka u dhisan uu yahay Qaran Federaal ah iyo Maamul Goboleedyo.

“Maamulka Jubba ilaa bisha Ogoosto ayeey “mandate” haystaan in ay baarlamaan ku soo xulaan, xalka meesha uu ku jiro waa in la abaaraa, wixii kale waxaan u arkaa in ay waqti dhumis tahay” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com