GUULEED oo farrin u diray maamulka Puntland!!

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa fariin u diray Maamulka Puntland iyo sidoo kale Maamulka Ahlu Sunna, xilli labadaan maamul ay si aad ah uga soo horjeedaan dhismaha Maamulka Galmudug.

Isaga oo ka hadlaayay C/kariin Xuseen Guuleed hoolka maanta ay doorashada ka dhacday ee Magaalada Cadaado, ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Puntland iyo Ahlu Sunna laga rabo inay taageeraan Maamulka Galmudug.

Madaxweyne C/kariin ayaa wuxuu sheegay in Puntland looga fadhiyo inay walaaleysato Maamulkaan jaarka la’ah ayna kala shaqeyso amniga iyo horumarada deeganada.

Wuxuu kaloo sheegay C/kariin Xuseen Guuleed inuu la hadlayo cid waliba oo wax ka tabanaysa Maamulka Galmudug, maadaama Maamulkaan uu yahay mid ay sameysteen dadka Gobolada Dhexe.

“Diyaar ayaa u ahay inaan la hadlo cid kasta oo wax tabanaysa, walaalaheena Puntland waxaan leeyahay aan is garabsano aan wada shaqeyno.” Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale yiri “Waxaan ugu baaqayaa dowlad goboleedka Walaalaha aan nahay ee Puntland inay kala shaqeeyaan amniga, iskaashiga iyo arrimaha muhiimka u ah iskaashiga labada maamul, waxaan diyaar u nahay la shaqeynta Maamullada dariska la ah.”

Ahlu Sunna ayaa 1-dii Bishan Madaxweyne ku dooratay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, Madaxweynahaasi oo lidi ku ah Maamulka Galmudug iyo hogaanka loo doortay, sidoo kale Puntland guud ahaan waa ay kasoo horjeeda dhismaha Maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com