Masuul ka tirsanaa dowlada SOMALIA oo la dilay

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay magaaladaasi ku dileen gudoomiyihii hore ee degmada afgooye.

Dilka ayaa ka dhacay goob lagu iibiyo dharka oo ku taalay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo dilka kadib kooxaha hubeysan ay ka baxsadeen.

Cabdulaahi Cabdi Axmed, gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye ayaa la sheegay in kooxaha hubeysan ku dileen bartamaha magaalada Afgooye halkaasi oo kadib ciidamo badan ay tageen.

Lama oga sababta ka dambeysay dilka loo geystay gudoomiyihii hore degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dilkiisa uu noqonayaa mid kusoo aada xili howlgalo laga sameeyay xaafadaha magaalada habeen ka hor.

Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay iney ku raad joogaan dadka ka dambeeyay dilka gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye Cabdulaahi Cabdi Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasimada@live.com