Ugaaska beesha Mudulood oo u jawaabay Xaad

Muqdisho (Caasimada Online) –  Odayaasha dhaqanka ee beesha mudulood ayaa ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, hadal aad looga xumaado.

Ugaaska Beesha Mudulood ayaa ku tilmaamay hadalka nabadoonka mid aanan laga fiirsan.

“Waxaa hubaal ah in ummadda Soomaaliyeed ay ka soo gudbeen xilli jahligii la’isku dhameeyay dagaal beeleedyada, haddana marxallada uu waddanka maraayo aay tahay mid Soomaaliya aay ku muujineyso la qabsiga hannaanka dimoqraadiyada ah” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Waxa uu sheegay in nidaamkan dimoqraadiyada ah aay baarlabaanka mooshin uga qaadeen laba Ra’iisul wasaare, mana maqal beelaha aay ka dhasheen oo marna leh arrinka mooshinka lagu soo eedeey waa mid qabiil. Maxaa keenay oo ka duway midka laga keenay Madaxweynaha ayuu yiri Ugaaska.

Nabadoon Ali Iimaan oo isagan ka hadlay hadalka qatifka uu ugu yeeray ee Nabadon Xaad “Waa in aan la hurin dagaal qabiileed dib u celin dalka iyo dadka, Nabadoonada waxaa laga rabaa in aay nabad keenaan, balse marna lagama aqbali karo in aay noqdaan nabadiid ayuu yiri Nabadoon Cali Iimaan.

Laashin Xuseen Muudeey ayaa isna ku shirbay “MUDULOOD KAAMA MAQNEE MOOSHINKA MAXKAMADDA GEEY” isagoo markaa u shirbay guddoomiyaha baarlabaanka Maxamed Cisman Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa aad uga careeysiiyay dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com