Xidhibaannada mooshinka wada oo suuq helay iyo qaraaxo ka dhacday xarunta madaxtooyada!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu soo shaac baxay Mooshinka ay qoreen 93 xildhibaan ee xil ka qaadista madaxweynaha 21-kii Ogost 2015 waxaa xigtay in guddoonka Baarlamaanka uu Mooshinkaasi qabtay taasoo dhibaato weyn ka dhex abuurtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo mar dhow saaxiibo ahaa.

Mooshinka wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaawacna gaarsiisay madaxweynaha oo u bartay inuu xildhibaanada fadhigiisa ka maamulo. Arrinta kale ee mooshinkani dhaliyay waxaa ka mida in xildhibaanada mooshinka wada ay suuq weyn oo siyaasadeed yeesheen, iyagoo shirar is daba jooga ay ugu yeereen wakiilada beesha caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

Waxay kulamo is daba joog ah la qaateen wakiilada beesha caalamka oo kala hadlay arrinta Mooshinka, sida Q/Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriiska, IGAD, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

Waxaa bilowday shirar iyo kulamo is daba joog ah oo shiday hoteelo badan oo Muqdisho ku yaalla kuwaasoo wixii ka danbeeyay mooshinkii lagu riday Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh suuq madoobaad heystay.

Arrinta qaraaxada leh ee intaas oo dhan ka darran waa in xildhibaanada guud ahaan iyo kuwa ka mida saxiixayaasha Mooshin loo furay albaabada madaxtooyada oo hore u xirnaa, isla markaana ay dhibaato weyn ku qabeen xildhibaanada la-kulanka madaxweynaha. Madaxtooyada ayaa hadda isu bedeshay xarun lagu soo dhoweeyo xildhibaanada oo saacad kasta u furan iyadoo waliba karaameyn iyo soo dhoweyn loogu daray, halka markii hore xildhibaankii loo ogolaado xitaa xaalad dheer la marsiin jiray; waxayna noqotay arrin xildhibaanadu hadal hayaan oo lagu qaraaxeyso.

Xildhibaano ku dhow madaxweynaha ayaa si hoose ugu mahad celiyay mooshinka keenay in madaxweynaha uu xilli waliba soo dhoweeyo isla markaana mararka qaarkood telefoono u soo diro xildhibaanada. Tani waxay muujineysaa in Mooshinku meelaha qaarkood faa’iido keenay.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com