Xog: Xasan Sheekh oo ogolaaday in Somalia ay dirto askari ka dagaalami doonta dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay Wadanka Emirate-ka Carabta, ayaa aqbalay in Somaliya ay ciidan u dirto Yemen.

Wadamada Khaleejka, ayaa wada qorshe ciidan ka socdo Wadamada Jaamacadda Carabta loogu diraayo Yemen, si talladii dalkaasi dib loogu soo celiyo gacanta Dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay madaxda Imaaraadka, ayaa si dhow waxay kaga wada hadleen xaaladda murugsan ee Yemen ka jirta iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Madaxweynaha Emirate-ka, ayaa dhigiisa Soomaaliya ka codsaday inay Somaliya ciidan u dirto dalkaasi, si ay qayb kaga noqdaan dagaalka lagula jiro Xoogaga Shiicada Yemen Ee Xuuthiyiinta.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo dhaweeyay in Somaliya, ay Yemen u dirto ciidan gaaraya lix illaa sideed kun oo askari. Ciidamadan waxay ka kala imaan doonaan Maamul Goboleedyada Somaliya ka dhisan, waxaana dhaqaalaha bixinaya Emirate-ka, ayada oo Xasan Sheekhna uu lacag badan ku qaadanayo sidii loo haligi lahaa dhallinyaro badan oo Soomaali ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaam Hadliye Cumar, oo ka mid ah xubnaha la socda Madaxweynaha, ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimaha dalka Yemen.

“Arrimaha Yemen ayaa laga hadlay, horeyba waan u sheegnay inaan ogolnahay in dib xukunka loogu soo celiyo Dowladdii Sharciga ahayd ee Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi. Waxaanu u sheegnay inaan weli garab taaganahay Ciidamadooda dagaalka kula jira Kuwa argagixisada ah iyo kuwa diidan in Yemen ay nabad noqoto.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa sidoo kale yiri “Anaga danweyn ayaa noogu jirta dalka Yemen, waa wadan aan isku daariiq nahay, waa dal Muslim ah waa dal horey gacan u siiyay Somaliya intii burburka uu Jiray, waxa uuna soo dhaweeyay toddobo boqol oo kun oo qaxooti Soomaali ah oo dalkaas waqti hore miciinbiday.”

Wasiir Hadliye oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaan soo hadalqaadin arrinta la xiriirta in Somaliya ay ciidan u direyso dalkaasi Yemen iyo in kale, marka laga soo taggo in Somaliya danweyn ugu jirto dalkaasi.

Dad badan, ayaa is weydiin kara goorta ay Somaliya gaartay inay ciidan u dirto dal ay dagaalo sokeeye ka soconayan, haddii dalkeeda ay ku sugan yihiin in ka badan 22 kun oo askar shisheeye ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com