Kullan aan waxba la is-kula harin oo dhex maray Kay iyo xildhibaanada wada mooshinka Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan aan qorsheysneyn oo si kedis ah ku yimid ayaa shalay dhex maray xildhibaanada ka mida Mooshinka ka keenay madaxweynaha iyo ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo marka kulan la lahaa Guddoomiyaha Baarlamaamka Prof. Jawaari.

Intii uu socday kulanka Prof. Jawaari iyo Nicholas Kay ayaa waxaa xarunta madaxtooyada iska xaadiriyay xildhibaanada mooshinka wada oo dalbaday inay la kulmaan Nicholas Kay, kulankaasi oo uu aqbalay Mr. Kay ayaa ahaa mid ereyo kulul la isku dhaafsaday.

Sida uu sheegay xildhibaan ka mida xildhibaanadii kulankaasi ka qeyb galay waxay Nicholas Kay uga digeen inuu joojiyo fara gelinta uu ku hayo Mooshinka madaxweynaha, isla markaana faraha kala baxo ololaha uu wado ee uu uga soo horjeedo howsha mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.

Xildhibaankan ayaa intaas ku daray kadib markii uu Nicholas Kay dhageystay xildhibaanada inuu siiyay jawaab adag oo ah inuusan jirin mooshin xiligan socon kara iyo cid xil ka qaadis lagu samyn karo, sidoo kale wuxuu u sheegay inaan la aqbali karin xiisad siyaasadeed oo xiliigan la abuuro, wuxuuna u sheegay xildhibaanada Mooshinka wada in beesha caalamka aanay aqbaleynin muddo kordhin loo sameeyo golayaasha dowladda Federaalka oo dhamaantood ay mar qura isla bixi doonaan, ayna iyaga jirto inay sanadka u haray ku dhameystaan is qabsi iyo inay arrimaha hor yaala ka wada shaqeeyaan.

Kulankii ergeyga Q/Midoobay iyo xildhibaanada wada mooshinka ayaa ku dhammaaday jawi kacsan oo aan waxba la isula harin, labada dhinacna ay muujiyeen mowqifyo aad u kala fog.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com