Xog ka cusub dhismaha maamulka Hiiraan & S/D

 Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online  ayaa sheegeysa in  5 bishaan October ay ku jirno lagu dhawaaqi doono Magacyada Xubnaha Gudiga Farsamo ee shirka Maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Xaqiijiyeen in Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka gobolka Hiiraan ay sheegay wasaarada Arimaha gurdaha ay ku dhawaaqi doonto Magacyada Gudiga farsamo ee shirka Maamul U sameynta gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Dhawaan ayay ahayd markii laysku khilaafay qaabka loo qaybsanaayo xubnaha Gudiga farsamo islamarkaana shaxda soo baxday ay lagu qoray in gobolada Hiiraan iyo shebeelaha dhexe xubnaha Gudiga Farsamo loogu qaybiyay Hiiraan 16 xubnood ah iyo shabeelaha dhexe oo 15 xubnood ah.

Tirada markii laysku daro ayaa waxay ka dhigeysaa 31 xubnood taas oo uu ka dhashay khliaaf weyn balse wasaarada Arimaha gudaha ayaa wada qorshe ah sidii loo qancin lahaa dhamaam beelaha dega Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com