25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sh/Dhexe & Hiiraan oo u xayiran Odowaa iyo CC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose, oo muddo bil kabadan uu hakat ku yimid.

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Cali Abti doon Xalane, ayaa sheegay in wasaarada ay soo dhameystirtay xubnaha gudiga farsamada maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Agaasimaha ayaa sheegay in doorka wasaarada uu yahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho sanadka 2016 sidoo kalana la dhameystiro maamul goboleedyada hoos imaanaya dowlada federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sheegay in kaliya loo xayiran yahay wasiirka koowaad ee xukuumada Mar Sharma’arke iyo wasiirka wasaarada arimaha gudaha Odowaa oo ku maqan dalka Mareykanka.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa bishii Agoosto ku dhawaaqay jadwalka loogu talo galay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, laakiin arintaasi ayaa fashil noqotay kadib markii qodobo dhowr ah la isku mari waayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News